Bayaanka Aragtida Cisbitaalka
Dhamaan muwaadiniinta reer Somaliland inay gaadhaan tayada xaaladda caafimaadka heerka ugu sarraysa iyo samaqabka bulsho si sinnaanno iyo waaritaan leh
Bayaanka Hawlgalka Cisbitaalka
In la abuuro jawi suurtagelinaya bixinta adeeg caafimaad la aqbali karo, la awoodi karo, lana heli karo bulshada dhexdeeda, si siman loo qaybiyo daryeel caafimaad tayo leh oo ka jawaabaya baahiyaha bulshada, iyada oo fiiro gaar ah la siinayo dadka ugu nugul bulshada lana gaadhsiiyo nidaam caafimaad oo waara Somaliland.
