
Cisbitaal Taariikh Fac Weyn Leh History
Cisbitaalka Guud ee Hargeysa!
Cisbitaalka Guud ee Hargeysa waxa la dhisay sannadii 1951 markaas oo Somaliland ahayd Maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska “Britain” iyo “Ireland” illaa haddana waa Cisbitaalka Guud ee Magaaladan Caasimadda ah ee Hargeysa oo inka badan hal milyan oo qof ku soo hoydaan kaasoo u fidiya bulshada adeegyada caafimaad aas’aasiga ah si hee qaran ah oo bulshada gudaha caasimadda, dadweynaha deegaannada degmooyinka Gobolka Maroodijeex, iyo dadweyne badan oo uga yimaadda tayada caafimaad iyo dabacsanaanta ama macquulnimada kharashka daawaynta awgeed dhammaan Gobollada kale iyo daafaha Dalka JSL.
Mudadaas Qarniga ku dhaw ee uu jiray Dhakhtarka Weyn ee Hargeysa waxa uu soo maray marxalado iyo duruufo kala duwan taariikhda oo lagu xasuusto ahmiyadda uu wakhti dheer u lahaa bulshada Somaliland. Waxa qayb ka ah Taariikhda Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, hawlgalkii dhalinyaradii mutadawaciinta ahaa ee UFO (UFO Volunteers) 1982kii oo ahaa dareen ka dhashay xaaladdii uu Dhakhtarku ku sugnaa iyo baahiyaha aas’aasiga ahaa ee ka jiray xilligaas xagga qalabka, tamarta, fayadhawrka iwm. Balse Taliskii Maxamed Siyaad Barre u arkay faro-gelin shaqadii dawladda iyo kicin dadweyne, waxana xabsiga loo taxaabay, laguna riday xukunno 28 ka mid ah dhalinyaradii Mutadawaciinta isu taagay inay horumariyaan adeegyada aas’aasiga ah ee magaaladooda 28kii February 1982 Maxkamadii Badbaadada Qaranka.
Qaab Dhismeedka Cisbitaalka Guud ee Hargeysa waxa uu ka kooban yahay Lix (6) Waaxood, 27 Qaybood, iyo Shaqaale tiradoodu ku dhawdahay 700 leh xirfado kala duwan oo aqoon caafimaad u badan kana hawlgala Waaxaha iyo Qaybaha Adeega Dhakhtarka. Dhakhtarku wuxu maalintiiba u adeega celcelis ahaan 260 bukaan, bukaan socod iyo kuwa la dhigaba, iyo 20 dumar ah xagga foosha iyo dhalmada.



We take the time our patients need
Nation’s Leading National Hospital.