Waxqabadka Mudada Dhaw ee Cisbitaalka
Dayactirka iyo tayaynta hawlqabadka iyo adeegyada caafimaad ee Cisbitaalku waa mid joogta ah oo had iyo goor socota haddii ay tahay xagga dhismaha, adeegyada shaqada, daawaynta, shaqaalaynta, hagaajinta nidaamka shaqada iyo maamul wanaagga. Inkasta oo aanay marna ka suurtagelin xagga Xukuumadihii u kala dambeeyay ee Dawladda JSL in si ku filan loo dabaalo baahiyaha Cisbitaalka ee xagga adeega iyo qalabka (Facilities and Equipments), waxa hadana xusid mudan in la qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu suurtageliyay waxqabado dhawr oo ahmiyad u leh Cisbtaalka iyo tayaynta Adeega Caafimaadka Bulshada
- Waxa lagu soo kordhiyay Dhismaha Qaybta cusub ee Gargaarka Degdegga ah, si buuxdana loo qalabeeyay;
- Dhismaha Waadhka cusub oo lagu soo kordhiyay Qaybta Umulaha iyo Dhalmada;
- Waxa lagu soo kordhiyay Qaybta Sifaynta Kalyaha oo si fiican u shaqaysa;
- Waxa tababaro aqoon korodhsi la siiyay ——— hawlwadeen;
- Waxa la sameeyay la sameeyay Siyaasadda Maamulka Cududa Shaqaalaha & Habraacyadeeda kala duwan ee Cisbitaalka oo ka kooban qaybo badan oo ku dhaqan koodu muhiim u yahay tayaynta hawlqabadka, hufnaanshaha adeega, iyo hagaajinta maamul wanaagga, waxana ka mid ah qaybaha ay leedahay:-
- Nidaamka Shaqaalaynta,
- Nidaamka Tababaridda Shaqaalaha Cusub,
- Nidaamka Maamulka Xuduurka, Fasaxyada & Habsanka,
- Nidaamka Anshaxmarinta Shaqaalaha,
- Nidaamka Dhiirigelinta & Abaalmarinta Shaqo-wanaagga.
Warbixinta Mugga Bukaanka Loo Adeegay Sannadkii 2019
Xigasho: Kayd Xogeedka Xafiiska Daraasadaha ee Cisbitaalka
Description | Number 2019 |
In-patient surgeries | 3046 |
Out-patient visits | 97,096 |
Births | 6,149 |
Emergency Cases (Admitted) | 11,662 |
Emergency Cases (Not admitted) | 19,509 |
Referrals to outside the Country | 309 |
HIV/AIDS Cases (Positive) | 104 |

