Ogow oo Ku Dhaqan Inta aad Joogto Cisbitaalka Guud ee Hargeysa
- Siidaynta Bukaanka ama ka bixista Cisbtaalka looma ogola ka dib 10:00-ka habeenimo;
- Nadiifinta joogtada ahi waxa ay ka bilaabantaa 6:00-ka subaxnimo maalin walba, sidaa awgeed, waxa ku waajib ah dhammaan dadka ehelka iyo asxaabta ah ee la jooga Bukaanka inay ka urursadaan alaabtooda dhulka, debadana uga baxaan Waadhka ugu dambayn 6:30-ka subaxnimo;
- Is bedelka Kaltanka Wakhtiga ama kala Wareega Shaqadu wuxu ka bilaabmaa 8:00-da subaxnimo oo la soo maraa Bukaanka ku jira Waadhadhka kala duwan;
- Ilaali nadaafadda Waadhka iyo gudaha xayndaabka Cisbitaalka oo rid waxkasta oo qashin ah goobaha loogu talo galay ee Waadhka ama yaalla Cisbitaalka dhexdiisa;
- Si taxadir leh u adeegso ama u isticmaal qalabka iyo waxkasta oo hantida Cisbitaalka ah, kana ilaali inay jabaan, ama waxyeelo kale soo gaadho;
- Cunista Qaadka, Cabbista Sigaarka, iyo u keenistooda qof Bukaan ahi gudaha Waadhka waa xaaraan, loomana dulqaadan karo, cidda lagu qabtaana waxa ay mutaysan doonaan tallaabo ciqaab ah oo laga qaado arrintooda;
- Haddii qof Bukaan jiif ah ama Bukaan socod ah lagu qabto isagoo Qaad cunaya ama Sigaar cabbaya, waxa la joojinayaa Kiiska Daawayntiisa ee Cisbitaalka gacanta ku hayo, waxana la amrayaa inuu dhaafo Xayndaabka Cisbitaalka;
- Isticmaalka noockasta oo Maandooriye ahi waa ka xaaraan gudaha xayndaaka Cisbitaalka, cidkasta oo lagu qabtana waxa la marin doonaa tallaabo ciqaab ah;
- Ha tumin Hoonka Baabuurka ama si dallacan ha u dhagaysan codka Telefoonkaaga ama Aaladaha kale ee la dhagaysto gudaha Waadhka iyo xayndaabka Cisbitaalka dhexdiisa;
- Noockasta oo ficil gacmadeed ama hadal rabshadeed ah, han-jabaad ah, fawaaxish iyo fisqi ah ama noocyo kale oo danbi ahi gebi ahaan ba waa ka mamnuuc, loomana dulqaadan karo Cisbitaalka gudihiisa, cidkasta oo ku kacdana waxa laga qaadi doonaa tallaabo ciqaab ah oo sharciga waafaqsan;
- Lama oggola inaad sawirro ku qaaddo ama cod ku duubto Telefoonkaaga Gacanta, Kamarad ama Aalado kaleba Cisbitaalka gudihiisa si ilaaliyo dhawrsoonaanta iyo asturnaanta Bukaanku xaqqa u leeyahay, iyo Xuquuqda Cisbitaalka ba marka laga reebo xaaladaha uu ogolaansho bixiyo Maamulka Cisbitaalku,